Faah-faahino dheeraad ah oo kasoo baxayo dilal ka dhacay muqdisho.

Reading Time: < 1 minute

Xaafadda Ceel Aw-muudde ee Degmada Boondheere ee gobolka banaadir waxaa Xalay goor dambe  lagu dilay laba wiil oo dhalinyaro ahaa sidoo kalana ahaa saaxiibo isku dhaw.

Wiilashaan ayaa la dilay kaddib markii ay wada murmeen nin lagu magacaabo jibriil oo mar ahaa taliyaha Nisa ee degmada Cadalle ee gobolka Shabellada dhexe balse haatan howl-geb ahaa.

Dilka kaddib ayaa ninka falkaan fuliyay oo lagu magacaabo jibriil lagu  waxaa la sheegay in uu baxsaday illaama haddane aan la aqoon halka jaan iyo cirib uu dhigay.

Waxaa xasuusin mudan in labada wiil ee la dilay mid kamid ah uu ahaa dhalinyarada Nisa ee degmada boondheere.

Maydadka dhalinyarada ayaa hadda waxaa ay ku jireen qaboojiyaha isbitaalka digfeer lama  aasayo sida ay sheegeen qoyskooda inta laga keenayo ninka dilka geystay.