Faah-faahino dheeraad ah oo kasoo baxaya Duqayn ka dhacday Magaalada Jilib

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay xalay duqeymo ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolkaasi.

Duqeynta ayaa lala beegsaday sargaal sare oo ka tirsan Amniyaadka Al shabaabiyo ilaaladiisa, xili uu shir kasoo baxay safarna u ahaa deegaano hoos yimaada degmada Jilib.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga ayaa warbaahinta u sheegay in khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray sarkaalka iyo ilaaladiisa.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in duqeynta ay dhacday wax yar uun kadib markii uu soo dhamaaday shir looga hadlayay  amniga oo ay lahaayeen xubnaha Al-Shabaab ah

Lama oga wadanka laga leeyahay diyaaradaha fuliyay duqeyntaas, sidoo kale ma jirto cid ka madax banaan saraakiisha noo warantay oo xaqiijisay duqeymaha la sheegay in ay xalay ka dhaceen qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Dhexe

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!