Ciidamo ka tirsan Millatariga Soomaaliya ayaa Shalay magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhaw isbitaalka Recep Tayyip Erdogen ku toogtay gabar yar oo ardayad aheyd.
Toogashada gabadhan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda ay rasaas fureen, xilligaasi oo wadada ay aheyd mid ciriir ah.
Gabadhan oo da’deeda lagu sheegay 9 sano ayaa waxa ay dhiganeysay iskuulka Hoyga Xamar, waxayna dhiganeysay fasalka Koowaad, iyada oo xilliga ay rasaasta ku dhaceysay saarneyd gaari uu iskuulka leeyahay.
Darawalka gaariga iskuulka gaarka u ah ee ay saarneyd gabadha ayaa wuxuu sheegay in dilka gabadha inuu ka dambeeyay askari ilaalo u ah sarkaal ciidanka dowladda ka tirsan oo lagu magacaabo Gen. Sheegow.
Safiyo Maxamed oo ah hooyada dhashay gabadha la dilay ayaa waxa ay dowladda federaalka ka dalbatay in cadaalada la horkeeno askariga dilay gabadheeda.