Wiil uu dhalay Masuul katirsan DFS oo Toogasho ku dilay qof shacab ah

Reading Time: < 1 minute

Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in goorhow gudahada degmadaaas lagu dilay qof Shacab ah halka mid kale lagu dhaawacay.

Falka dilka iyo dhaawaca ah ayaa waxaa geystay Wiil uu dhalay guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka degmada Balcad Axmed Duqow,isla markaana istaaf u ahaa aabihiis,sida ay sheegeen dad ku sugan degmadaas.

Dilka ka dib aya lagu soo waramayaa in qofkii dilka geystay uu goobta isaga baxsaday, isla markaana haatan uu socdo howlgal ay wadaan Ciidamada Maamulka degmada Balcad oo ay ku baadi goobayaan Ninka dilka geystay.

Maamulka Degmada ayaa ka gaabsaday iney faah faahin ka bixiyaan falkaas dilka ah.