[Faah faahin] Weerarka lagu qaaday Hotelka kuyaalla Magaalada Kismaayo

Reading Time: < 1 minute

Weerar ku bilaawday qarax ayaa lagu qaatay Hotelka Tawakal oo kuyaalla Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana la sheegay in qaraxa kadib rag hubeysan ay gudaha Hotelka galeen oo ay ka dhex dagaalamayaan.

Hotelka Tawakal oo kuyaalla Xaafada faanoole ee Magaalada Kismaayo ayaa xilliga la weerarayay waxaa ka socday shir looga tashanayay gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab & Siminaar.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in weli rasaas xoogan laga maqlayo gudaha Hotelka, isla markaana Ciidamada Booliska Jubbaland iyo raga huebysan ee gudaha galay ay daaalamayaan.

Waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka, kaas oo gaaray qaar kamid ah dadkii ku sugnaa Gudaha Hotelka iyo kuwo banaanka marayay, waxaana hareeraa Hotelka la keenay Ciidamo farabadan oo katirsan kuwa Ammaanka magaalada Kismaayo.