Faah-faahin : Wararkii ugu dambeeyay Qarax ka dhacay Xaaji Baasto (SAWIRO)

Reading Time: 2 minutes

Faah faahino ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo Goordhow ka dhacay qeybo kamid ah Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqisho.

Qaraxaasi ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay Isgoyska Xaaji Baasto ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir,isla markaana waxaa uu ku qarxay Jidka,iyadoo xiligaas Wadada ay aheyd mid Mashquul ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomalaiya ayaa goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray,iyagoo halkaasi baaritaano ka wada.

Sidoo kale waxaa goobta uu qaraxa ka dhacay tegin gebi ahaanba Gaadiida gurmadka deg deg ah oo horey looga mamnuucay.

Darawalkii waday gaariga qarxay ayaa goobta si deg deg ah uga baxsada,waxaana halkaasi ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ahaa oo xiligaas goobta ka Agdhawaa.

Wali lama xaqiijin laakiin gaariga  qaraxa lala beegsaday  ama lagu xiray waxaa  lahaa madaxa NISA ee Galmudug