War deg deg ah oo hada nasoo gaaray ayaa sheegaya in Shil uu ka dhacay Isgooska Martiini oo kala qeybiya degmooyinka Xamar weyne iyo Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.
Shilkaan ayaa la sheegay inuu ka dhashay kadib markii gaari xamuul ah uu jiiray Mooto Bajaaj mareesay Isgooska Martiini oo kala qeybiya degmooyinka Xamar Jajab iyo Xamar weyne, waxaana la sheegay inay ku geeriyoodeen labo ruux ayna ku dhaawacantay gabar saarneed Bajaajta.
Labada ruux ee geeriyootay ayaa la sheegay inuu mid ahaa Darwalka Mooto Bajajaata, iyadooona ruuxakale uu aha shaqsi saarna Bajaajta.
Shil kale ayaa ka dhacay Isgooska SOOS ee degmada Hilwa, dad halkaasi ku sugan ayaa ino sheegay in Gaari weyn uu jiiray Muuto Bajaaj, wali lama shaacin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.
Dhinaca kale Isgooska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in lagu dilay askari ka tirsana ciidanka dowlada waxaana magaciisa lagu soo koobay Dhoocey.
Dilka kadib waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Soomaaliya iyadoona Bam baanooyinka kuwa gacanta laga tuura oo la sheegay inay labo ahaayen lagu weeraray.
Bam baanooyinka lagu weeraray Ciidanka ayaa waxaa ku dhaaawacmay labo qof oo shacab ah.
Sikastaba ha ahaate amaanka Magaalada Muqdisho ayaa faraha ka sii baxaya waxaana sii kordhaya dilalka iyo qaraxyada ka dhacaya.