Faah faahin: Shil dhimasho sababay oo ka dhacay Duleedka Baydhabo

Reading Time: < 1 minute

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa shil gaari oo shalay gelinkii dambe ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, gaar ahaan degaanka Deynuunay.

Shilkan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii Gaari xamuul ah oo waday rar iyo dad shacab ah oo ka soo baxay Baydhabo, kuna soo jeeday magaalada Muqdisho uu ku rogmaday degaanka Deynuunay, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Gaadiidka deg dega ah ee Ambalaasta oo ka baxay magaalada Baydhabo ayaa qaaday dhammaan dadkii ku waxyeeloobay shilkaasi, kuwaasi oo isugu jira rag iyo dumar.

 

Agaasimaha Isbitaalka Magaalada Baydhabo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shilkan ay ku dhinteen 2 qof, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 32 qof oo kale, waxaana ku jira dadka dhaawacyada qaba caruur.

“Dhaawacyada sida hada aan kuu sheegay waa 32 inkastoo ilaa hadda aanan la kala qaadin, wixii dumar iyo rag ah, laakiin meesha waxaa ku jira caruur, dadkan waxay ahaayeen qaxooti, waxayna ku sii jeedeen Muqdisho, gaariga waxaa saarnaa badar.” Ayuu yiri Agaasimaha Isbitaalka Magaalada Baydbabo.