Faah-faahin:-Qaraxyo ka dhacay Magaalada Baydhabo Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay!!

Reading Time: < 1 minute

Laba qarax oo waa weyn oo isku mar dhacay ayaa laga maqlay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, sida ay goobjoogeyaal u xaqiijiyeen MQUDISHO ONLINE,jugta qaraxyada ayaa lasoo warinayaa in laga maqlay Xaafadaha Magaalada

Sida wararka aan helnay ay sheegayaan Labada qarax ayaa mid waxa uu ka dhacay meel ku dhow Hotel-ka Bilan, halka qaraxa labaad uu ka dhacay bannaanka maqaayadda Badar. Labada goob ee qaraxa uu ka dhacay ayaa waxay isku jiraan qiyaastii 5km.

Baabuurta gurmadka deg degga ah ayaa ku cararaya goobta qaraxa, waxaana warar horudhac ay sheegayaan in qaraxa ay u badan tahay in dadka shacabka lala beegsaday. Waxaa aad looga cabsi qabaa inuu jiro khasaare nafeed oo xooggan, inkasta oo aan la hayn faahfaahin.

Amaanka Magaalada Baydhabo ayaa si weeyn loo adkeeynaayay Maalmahii ugu dambeeyay waxaana ka sugan Musharaxiin Doonaya in ay u tartamaan Xilka Madaxtinimo ee Maamulkaasi