[Faah Faahin] Qaraxyadii ka dhacay Beledweyne & Dhimashada oo korortay

Reading Time: < 1 minute

Qaraxyo waa weyn oo gilgilay guud ahaan Xaafadaha Magaalada Baledweyne aya Caawa Abaare Salaadii Cishe kadib ka dhacay gudaha Baledweyne.

Qaraxa koowaad oo la sheegay inuu geystay ruux iskusoo xiray waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay gudaha xerada Lamagalaay gaar ahaan afaafka xarunta madaxtooyada Hirshabeelle, waxaana lasoo warinaya in lala eegtay oo ay ku geeriyootay Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo qaar ka mid ah ilaaladeeda.

Daqiiqado kadib qaraxaasi lagu dilay Xildhibaan Aamino ayaa hadana waxaa dhacay qarax kale oo jugtiisa ay ruxday dhamaan xaafadaha Baledweyne lama oga ilaa hadda khasaaraha ka dhashay qaraxa labaad iyo cida lala eegtay.

Sida ay noo sheegeen ilo wareedyo ku sugan magaalada Beledweyne in tirada dadkii ku dhintay labada Qarax aay kor u dhaaftay 30 Qof, waxaana dadka dhaawaca ah ay gaarayaan ilaa 45 qof.

Waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho loo qaado dadka qaba dhaawaca culus oo gaaray 12 qof kuwaasoo xaaladooda aan waxba looga qaban karin magaalada sida uu MOL u sheegay mid ka mid ah dhakhaatiirta Magaalada Beledweyne.

Falalka amni daro ee Sida weyn dalka ugu sii kordhaya oo uu kamid yahay weerarkii lagu qaaday garoonka caalamiga ah ee Aaden Cadde maanta waxay muujinaysa halista uu dalku ku jiro taas oo u baahan in si wadajir ah loogu istaago samata bixinta dalka.