Faah faahin: Qarax Xoogan Oo ka dhacay Degmada Hilwaa Ee G/Banaadir

Reading Time: < 1 minute

Wararka naga soo gaaraya Isgooska Ex.Contarool Balacad ee Degmada Hilwaa ayaa sheegaya in goordhow Qarax lagula beegsaady Ciidamo ka tirsan kuwa xasilnta.

Goobjoogayaal ku sugan isgooska Ex.Contarool Balcad ayaa inoo sheegay in gordhow Qarax miino oo ka dhacay meel udhow Xarunta shirkada Hormuud oo udhaxeeyso isgoosyada SOOS iyo EX.Contarool Balacad.

Qaraxa oo ahaa Miinada nuuca meelaha fog fog laga hago ayaa lala egtay mid kamid ah gadiidka ciidamada Xasilinta oo marayay halkaasi.

Ciidamada Dowlada ayaa Qaraxa kadib furay Rasaas Xoogan waxaana rasaasta ay ciidamada fureyn ku dhaawacmay mid ka mid ah istaafka shirkada Hormuud oo ku sugnaa Xarunta shirkada ay kunleedahay degmada Hilwaa,

wraarkii ugu danbeeyay ee naga soo gaarya goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa sheegaya in haatan xaalada ku soo laabatay sideedi hore.