(Faah Faahin) Qarax ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu danbeeyay

Reading Time: < 1 minute

Hal ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay qarax gaari oo caawa fiidkii ka dhacay magaalada Muqdisho, ee caasimadda Somalia.

Gaariga oo ahaa nooca raaxadda ayaa ku qarxay Isgoyska Dabka, xilli mashquul badan uu ka jiray, maadaama halkaasi ay ciidamada booliska dowladda ay ku leeyihiin bar-koontarool oo gaadiidka lagu baaro.

Goobjooge la hadlay MOL ayaa sheegay in labo qof oo wadatey gaariga ay goobta ka carareen kahor inta uusan qarxin, waxaana ciidamada amaanka ay ku raad-joogaan shaqsiyaadkaasi.

Xaaladda goobta ayaa caadi kusoo noqotay daqiiqado kadib, iyadoo la demiyay gaariga qarxay, kadibna halkaasi ay ka jiideen ciidamada wadooyinka [Taraafikadda] dowladda Federaalka.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, oo u muuqday mid qorsheysan oo lala damacsanaa in lagu weeraro bartilmaameed aan la shaacin gudaha magaalada Muqdisho.

Kooxda Al-Shabaab ayaa Muqdisho ka fulisa weeraro qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan, oo qeyb ka ah halgankeeda ay ku doonayso inay ku afgembiso dowladda beesha caalamka aqoonsan yahay ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Kooxdan ayaa beegsata inta badan Hoteellada waaweyn ee magaalada, kuwaasoo ay degan yihiin Waasiiradda, Xildhibaanada iyo saraakiisha kale ee dowladda Somalia.