Faah-faahin: Qarax ka dhacay degmada Dayniile!!

Reading Time: < 1 minute

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ka dhacay degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir,kaasi oo geystay khasaaro

Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay Gaari ay la socdeen dadka shacab ah oo marayay agagaarka Isbitaal lagu magacaabo Guutaalle oo ku yaalla degmadaasi.

Ugu yaraan Saddex ruux oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen qaraxaas ,waxaana loola cararay mid kamid ah goobaha Caafimaad ee ku yaalla Muqdisho sida dadka deegaanka ay inoo sheegeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya iyo kuwa maamulka Degmada ayaa tegay goobta,isla markaana xiray Wadooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa aaga uu qaraxa ka dhacay,hayeeshee markii dambe ay dib u fureen halkaas.