Faah-faahin: Qarax Ciidamada Dowlada lagula eegtay ceel-shaalle !!

Reading Time: < 1 minute

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Miino oo Ciidamo ka Tirsan Kuwa Malatariga Dowladda Federaalka Soomaaliya xalay lagula eegtay Magaaladda Muqdisho.

Qaraxaan ayaa xalay fiidkii ka dhacay Deegaanka Ceel Shaalle oo kala qeybiya Gobolada Banaadir, iyo Labadda Shabeelle,waxaana lala eegtay gaari cabdi Bile ah oo ay wateen Ciidamo ka tirsan Milatariga Somaliya oo marayay Deegaanka oo soo xiga dhanka Degmadda Deyniile.

Inta la xaqiijiyay labo ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay qaraxaan ka dhacay Deegaanka Ceel Shaalle oo kala qeybiya Gobolada Banaadir, iyo Labadda Shabeelle.

Shabaab ayaa inta badan sheegta Mas’uuliyadda qaraxyadda Gawaarida loo dhigo ee ka dhaca muqdisho.