Nin kamid ahaa dadka ku Shaqeysta Gacanta Farsamadah ama biraha ayaa Maanta waxaa Xaafada Kooshin ee Magaalada Beledweyne gaar ahaan halka loo yaqaano Daraawiishta ku dileyay Nin saaxiibo dhow ay ahaayeen kadib muran soo kala dhexgalay.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warameen in ninka la dilay iyo kan wax dilay uu soo kala dhex-galay khilaaf la xiriira Shaqada, taasina ay keentay in midka wax dilay uu soo qaato tooreey kuna dhufto midka kale.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ninka tooreeyda wax ku dilay uu durbka goobta ka baxsaday, si aysan u qaban Ciidamaada Ammanka, waxaana dadweyne tegay Goobta ay ka qaadeyn meydka Ninka la dilay.
Laamaha Amniga Magaalada Beledweyne ayaan weli si faah faahsan uga hadlin dhacdadaan Maanta lagu dilay Ninka muruq maalka ahaa, waxaana falkaan ad uga naxay dadka kunool Xaafada Kooshin ee magaalada Beledweyne.
Xigasho Radio Risala