Faah faahin laga helayo Qarax ka dhacay meel ku dhow Hotel Wehliya & rasaas xoogan oo la maqlayo

Reading Time: < 1 minute

Warar dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan Qarax loo adeegsaday gaari oo goordhow ka dhacay wadada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho, Qaraxa ayaa waxa loo adeegsaday Gaari Waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay.

Qaraxa Kadib ayaa la maqlay rasaas fara badan oo ay rideen Ciidamada ammaan oo si deg deg ah goobta ku soo gaaray,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Qaraxa lagu weeraray Hotel Wehliye halkaasi oo rasaas laga maqlayo.

Gaariga Qarxay nuuciisa waxaa lagu sheegay inuu ahaa nuuca raaxada ah, gurmadka dadka ku waxyeeloobay qaraxa ayaa ka socda halkaasi.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray wadada waxaana shacabka loo diidayaa in ay halkaasi ka soo akdhawaadaan.

Waxaa la soo sheegayaa inuu jiro khasaaro ka dhashay Qaraxa oo dad rayid ah soo gaaray,waxaana la soo sheegayaa in carruur iyo hooyooyin Mooto saarnaa waxyeelo Qaraxa ka soo gaartay.

Dhawaqa gaadiidka gurmadka ayaa la maqlayaa oo goobta dadka waxyeelada Qaraxa ka soo gaaray ka qaadaya.