Faah Faahin Kaso Baxaya Dil Xalay Ka Dhacay Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Dabley hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa xalay fiidkii waxa ay Wiil Dhalinyaro ah oo Mooto Bajaajle ah ku dileen xaafada Suuqa Xoolaha degmada Hilliwaa ee Gobolka Banaadir.

Dilkan oo si gaar ah uga dhacay aagga laga raaco gaadiidka aada Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa geystay laba Dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado, kuwaasi oo dadka degaanka ay tilmaameen xilliga dilka ay geysteen in goobta ay uga baxsadeen iyaga aanay ku jirin wax cabsi ah.

Ragg hubeysan ayaa qeybta sare ee jirkiisa waxa ay ka toogteen wiilkan Dhalinyarada ah, kadibna waxa ay ka qaateen telefoonkiisa gacanta iyo furaha Bajaajta.

Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka oo aan si deg deg ah ugu bixin dilkan ayaa gaaray goobta, waxayna qaadeen meydka Marxuumka la dilay.