Faah-faahin: Dagaal culus oo ka dhacay Qoryooleey

Reading Time: < 1 minute

Dagaal u dhaxeeyey ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose.

Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ciidanka xoogga dalka ku lahaayeen duleedka degmadaasi, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa u sheegay warbaahinta in dagalakaasi ku dileen 4 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab, dhanka ciidanka dowladana uu Hal askari ka dhaawacmay.

Al-shabaab ayaa maalmahan dambe xoojiyey weerarada ay ku qaadayaan ciidanka xoogga dalka, xilli ciidanka dowladda ay la wareegeen deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose