Dagaal xoog leh ayaa ka socda qeybo ka mid ah degmada Cabdulcasiis ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan aagga ay degan yihiin madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed.
Goob joogayaal ku sugan aagga dagaalka ka socda ayaa MOL u sheegay in aay hadda qabowday xabaddii isla markaana aay ciidamadii dowladda isaga carareen aaggii uu ka socday dagaalka iyagoo ka cararay gawaaradii aay ku dagaalamayeen.
Ilo wareedyada ayaa sheegay in ciidamda mucaaradka aay hadda baacsanayaan ciidanka dowladda ee soo weeraray guryaha Madaxweynayaashii hore, waxayna qaarkood galeen xarunta NISA.
Waxaa socda xabado teel teel ah, balse ciidamada Millateriga ee maanta soo galay magaalada Muqdisho ayaa hadda lagu arkayaa in aay la wareegeen aagga garoonka Istaadiyo Koonis ilaa xerada Gaadiidka Booliiska.
Faahfaahin dheeri ah naga filo goor dhow.