Bannaanbaxyo rabashadio wata ayaa ka socda magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, kadib markii la sheegay inuu halkaasi maanta tegayo Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen.
Maleeshiyo iska dhex abaabushay Xaafadaha Xaafadaha Kooshin & Xaawa-Taako ee magaalada ayaa la sheegay inay saaka weerar ku qaaday saldhigga Booliska magaalada Beledweyne, waxaana rasaas xoog leh laga maqlay magaalada. Rasaasta la is weydaarsaday ayaa dhalisay qasaare kala duwan oo la xaqiijiyey in laba qof oo dhaawac ah la gaarsiiyey isbitaalka magaalada.
Dhinaca kale dadweyne ayaa dhagxaan ku jaray wadooyinka Wadooyinka, iyagoo gubaha Shaagagga baabuurta, waxayna kasoo horjeedaan inuu magaaladaasi tago Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in xaaladda ay weli kacsan tahay, iyadoo ay weli magaalada Beledweyne ka socdaan fowdo iyo dibadbaxyo ay wadaan qaar kamid ah dadka deegaanka.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo uu magaalada ku sugan yahay Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Mukhtaar Xuseen Afrax oo shalay gaaray halkaasi.