Faah-Faahaahino Ka soo baxaya Dilkii guddoomiye ku xigeenkii arrimaha amniga Gobolka SH/Dhexe

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa  sheegaya in Xalay lagu qaaday weerar bambaano guri uu ka degenaa magaalada guddoomiye ku xigeenkii arrimaha amniga Muxumad Sugaal Cismaan.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintey Allaha unaxariistee Muxumad Sugaal Cismaan  oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii dhanka amniga maamulka gobolka Sh/dhexe iyo wiil uu dhalay.

Lama oga illaa iyo hadda  ciddii ka dambeysay,waxana guriga uu qaraxu ka dhacay booqday mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada iyo kan gobolka Sh.dhexe.

Waa guddoomiye ku xigeenkii labaad ee maamulka gobolka Sh/dhexe oo lagu diley weerar muddo bil gudaheed ah.

Warar hoose oo ay helayso Warbaahinta Wararka Muqdisho Online ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Amaanku ay heleen xog ku aadan Dadkii ka dambeeyay Khaarijinta Mus,ulkaa ka tirsanaa Gobolka Sh/Dhexe.

Maalmihii la soo dhafay Amaanka Magaalada Jowhar ayaa waxa uu ahaa mid Faraha kasii baxayay waxaana Jowhar kol hore lagu tirin jiray Demooyinka Soomaalia ugu Amaanka Fiican.