Iyadoo maanta Magalada Muqdisho ay ka dhaceeyaan Xaflado iyo Baroor-diiqyo kala duwan kuwaasi oo lagu xasuusanaayo dadkii lagu xasuuqay Musiibadii 14-kii October 2017 ka dhacday Isgooyska Zoobe.
Xildhibaan Hore Cabdi Barre Jabriil oo la hadlay mid ka mid ah Warbahainta Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Masuuliyiinta Dowlada qaabka ay u wajahayaan Xalinta Masiibadaasi ay tahay mid aan habooneeynin.
Waxaa uu Xusay in Lacagaha lagu Bixinaayo Xafladaha iyo Tamashlaha ay wanaagsan tahay in lagu bedelo caawin loo sameeynaayo dadkii Ehelkooda ku waayay Masiibadaasi.
Sidoo kale Xildhibaan Hore Cabdi Barre Jabriil waxaa uu Carabka ku adkeeyay in Goortii Masiibadu dhacday lacagahii la aruuriyay shaqsiyaad gaar ah Gacanta loo geliyay taasna ay masuul ka tahay Dowlada Soomaaliya.
Qaar ka mid ah Dadkii loo qaaday Dibadaha si caafimaadkooda loosoo dabiibo ayaa la dayacay sida uu sheegaayo mar kale,taasna Cadeeyn ayaan u heeynaa ayuu yiri.