Ex-wasiir Juxa oo Wasiir Goodax ku yiri waad Fashilantay ee iscasil!!

Reading Time: < 1 minute

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid JUXA ayaa kamid ah xildhibaano iyo siyaasiyiin gaf ku tilmaamay hadal uu shalay shaaciyay wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Xildhibaano badan ayaa sidaasi oo kale shaaciyay in Aflagaado iyo gaf ku tilmaamay hadal uu shalay golaha shacabka kaga dhex dhawaaqay Cabdullaahi Goodax Barre oo ah wasiirka waxbarashada ahna xildhibaan baarlamaanka ka tirsan.

Goodax Barre ayaa shalay golaha shacabka ka dhex sheegay in xildhibaanadii diiday in saxaafadda banaanka kaga baxaan kulankii baaqday inay ahaayeen Al Shabaab islamarkaana ay la shaqeeyaan.

Cabdi Faarax Juxa, ayaa cadeeyay in hadalka wasiir Goodax uu yahay eedeyn culus oo loo jeediyay xildhibaanada, islamarkaana loo baahan yahay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo dhab ahaanshaha hadalka.

Wuxuu sheegay in haddii hadalkaasi run noqdaa aysan jiri doonin kalsooni dambe oo baarlamaanka lagu qabo, maadaama ay yihiin kuwa amaanka halista ku ah, haddii warkaasi been noqdana loo baahan yahay in xukuumadda jawaab cad ka bixiso.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay Caddeymo, maadaama uu caddeeyay in Juxa ay jiraan Xildhibaano Golaha Shacabka Shabaab ku matala.

“Eedayn kulul oo looga baahan yahay in Wasiir Godax cadeeyo. Haddii hadalka wasiirku run noqdo majiri doonto kalsooni dame oo lagu qabi karo Golaha iyo wuxuu u taagan yahay toonna. Haddii kalena Golaha xukuumadda ayaa sharraxaad laga rabaa” ayuu yiri Juxa.

Sidoo kale xildhibaano taageersan xukuumadda ayaa sidaan oo kale xildhibaanada dalbanayay in warbaahinta gudaha sii joogaan ku tilmaamay inay yihiin kuwo doonaya in xogta amniga dalka la socod siiyaan Al Shabaab.