Ex-Madaxweyne Xassan Shiiikh oo Go’aanka DFS Sacuudigga ku Taageertay ku Tilmaamay mid lagu Kadsoomay!!

Reading Time: < 1 minute

Maalma ka hor Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa taageero ay u muujisay Dowladda Sacuudiga  oo haatan uu ka ladhaxeeyo khilaaf ka dhashay dilkii Wariye Jamal Khashoggi dowladda Turkiga.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay mowqifka Dowladda Soomaaliya ku taagertay dowladda Sacuudiga iyo saameynta ay ku yeelan karto.

 ayaa waxa uu sheegay in xilligaan uusan garan kari sababaha ay dowladda ku teegeerto Sacuudiga,isla markaana uu u arko inay tahay fudeed Siyaasadeed.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in ay tahay arrin aad u adag in Sacuudi iyo turkiga loo kala safto,waxaana uu sheegay in dowladda Turkiga ay dhaqaalo iyo dhinac walba taageero u siiso Soomaaliya.

Hayeeshee uu yahay Turkiga dalka kaliya ee taageerada weyn siiyo Soomaaliya ayna wanaagsaneyd in dowladda federaalka xalka labadaasi dowladood waxka raadiso ama aysan faraha la gelin.

 

Hoos Ka Dhageyso Codka Ex Madaxweynaha Xasan Sheekh

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!