Ex Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan xasaasi ah la qaatay wax-garadka iyo aqoonyahanada Jubbaland

Reading Time: 2 minutes

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya  Xasan Sheekh  Maxamuud oo Maalintii Sadexaad Ku Sugan Magaalada Kismaayo ayaa Maanta Kulan La Leh Aqoonyahanada Jubaland, iyadoona kulanka uu ka soconaya Magaaladaasi.

Kulanka oo Xiligan Ka soconayo Xarunta Shirarka daawad ee Magaalada Kismaayo ayuu Xasan Sheekh Maxamuud ku Sheegay in Socdaalkiisa uu Ku Aadanaa ka run sheegidda balan-qaadkiisii Xilligii uu Dalka dib ugu Soo laabtey oo uu Balan-qaadey inuu socdaal ku tagi doono xarumaha  Maamul-goboleedyada ka jira dalka.

Shalay ayaa waxaa uu kulan la qaaday Madaxda Maamulka Jubbaland iyo Xubnaha labada Gole ee Maamulkaasi.