Ethiopian Airlines oo bilaabaysa duulimaadyo toos ah oo isku xira Puntland iyo Itoobiya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan muhiim ah kula qaatay magaalada Adiss Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya masuuliyiinta shirkadda duulimaadyada Itoobiya ( Ethiopian Airlines).

Masuuliyiinta uu Madaxweynuhu kulanka la qaatay ayaa kala ahaa Guddoomiyaha ( CEO) shirkadda duulimaadyada Itoobiya Mr. Tewolde Gebre Mariam, Ku-xigeenka Madaxa Qorshaynta iyo Iskaashiga Mr. Busera Awel iyo Madaxa Suuqgeynta Geesta Africa ee shirkadda Mr. Yemene Fitwi.

Kulanka ayaa looga wada-hadlay sidii shirkadda duulimaadyada caalamiga ah ee Itoobiya Puntland uga hirgelin-lahayd duulimaadyo joogto ah, kuwaas oo xoojinaya, qaybna ka noqonaya xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeya Puntland iyo dalka Itoobiya iyo Iskuxirka Puntland iyo caalamka kale.

Shirkada Ethiopean Arlines ayaa balan qaaday in ay dhawaan furi doono qadka diyaaradaha toos ah ee isku xiraya Puntland iyo Itoobiya.

Shirkadda duulimaadyada Itoobiya ayaa sidoo kale magacawday Guddi farsamo oo u kuurgal ku sameeya habka shaqo ee garoonka diyaaradaha Garoowe, kuwaasi oo Juun, 15, 2019 diyaarinaya xog dhammaystiran oo ku aadan Garoonka. Itoobiya iyo Puntland waxaa ka dhexeeya xiriir ganacsi iyo mid amni oo wanaagsan, waxaana Garoowe ka furan qunsuliyad ay leedahay Itoobiya oo kashaqeysa fududeynta isu-socodka dadka iyo ganacsiga.

 

 

Advertisements