Ergeygii gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsanaa Geeska Afrika Jeffrey Feltman ayaa lagu dhawaaqay inuu xilka ka tegayo kadib muddo 9 bilood ah oo uu xilkaasi hayay.
Xilka Ergeygii gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsanaa Geeska Afrika waxaa loo wareegaya David Satterfield oo ah safiirka Maraykanka u fadhiya Turkiga, sida laga soo xigtay xog ay faafisay Wakaaladda wararka Reuters.
Feltman, oo ah diblomaasi ruug-caddaa ah ayaa xilka la wareegay bishii April, waxana uu si degdeg ah ula kulmay laba xasarood oo waaweyn oo kala ahaa dagaal sokeeye ee ka socda Itoobiya oo u dhexeeya ciidamada daacadda u ah Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF) iyo ciidanka Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed iyo sidoo kale afgambi militari oo ka dhacay dalka Suudaan bishii Oktoobar.
Warka shaqo ka tagistiisa oo ahaa lama filaan oo ahaa ayaa soo baxay ka hor inta uusan Khamiista Berri tegin dalka Itoobiya, halkaas oo uu kula kulmayo madaxda sare ee dowladda, waxaana safarkiisu ku saabsan yahay wadahadallo nabadeed oo qeyb ka ah dadaalladii ugu dambeeyay ee Washington ay ku doonayso in lagu soo afjaro colaadda.
Feltman, oo 62 jir ah, ayaa sheegay in “dareenkiisa xilkasnimo” uu siinayo inuu ka fariisto shaqada diblomaasiyadeed, isla markaana uu noqdo howlgab, ka dib in ka badan 25 sano oo uu ahaa diblumaasi Maraykan ah oo ka shaqeeyay Qaramada Midoobay, Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika.
Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho shaqo ka tagista Ergeygii u qaabilsanaa Geeska Afrika.
Ergeyga cusub Satterfield ayaa h ruug-caddaa ka tirsan Arrimaha Dibadda Maraykanka oo leh in ka badan 40 sano oo waayo-aragnimo ah, ayaa soo maray jago adag oo ah safiirka Maraykanka ee Turkiga, halkaas oo uu isku hayay xiriirka laba geesoodka ahaa ee u dhexeeya labada dal ee xulafada NATO.
Wuxuu kasoo shaqeeyay dalalka Saudi Arabia, Lebanon, Tunisia iyo Syria, iyo dalal kale, wuxuuna laba jeer ka soo noqday dublamaasigii ugu sareeyay ee Maraykanka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Bariga Dhexe.