Ergadii Farmaajo oo weji gabax kala kulmay MW Deni

Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay magaalada Boosaaso aya waxa ay sheegayaan in dowlad goboleedka Puntland aay si cad udiiday dhamaan qodobadii uu xanbaarsanaa dhanbaalkii Madaxweyne Farmaajo ka yimid ee ay sideen wasiiro ka soo jeeda Puntland.

Ergada uu Farmaajo u soo diray MW Deni aya ka  koobnaa shan Wasiir iyo lataliye oo uu hogaaminayay Wasiirka arimaha dibada Fadaraalka Axmed Ciise Cawad, oo maanta galabkii danbe soo gaaray magaalada Boosaaso.

Ergadan ayaa loo soo dhiibay dhanbaal ka yimid Farmaajo, kaasoo sheegayay in Dowlada Fadaraalku aqbashay wax walba oo Puntland ay dood ka qabtay, balse ay shuruud ka dhigtay in aysan ka qaybgalin caleema saarka Axmed Madoobe.

Kulan socday mudo saacada ah oo dhexmaray waftiga Fadaraalka iyo Puntland, ayaa ugu danbayn kusoo idlaaday natiijo la’aan.

MW Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ergada MW Farmaajo u gudbiyay go’aamadan:

  1. In Puntland ay ka qaybgalayso caleema saarka MW Axmed Madoobe oo uu yahay go’an Dowladeed oo lama taabtaan ah.
  2. In Puntland diyaar utahay dhex-dhexaadinta Dowlada Jubaland iyo Dowlada Dhexe caleema saarka kadib.
  3. In Puntland aysan gorgortan ka galayn arrimaha masiiriga ah ee Dalka, iyadoo dana gaar ah ilaalsanaysa.

Madaxweyne Deni, ayaa kulaanka kadib casho ugu sameeyay Madaxtooyada Boosaaso ergadii MW Farmaajo, waxaana MOL loo sheegay in ergada ay caawa seexan doona magaalada Boosaaso berrina dib ugu laaban doona Muqdisho.

Shacabka Puntland aya si diiran u soo dhaweeyay go’aanka taariikhiga ah ee uu qaatay MW Saciid Deni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here