Isimadii iyo madaxdhaqameed dhexdhexaadinta colaada Lascaanood ee ka ymid magaalada Muqdisho ayaa maanta tagey xarunta golaha guurtida Somaliland.
Madax dhaqameedkan ayaa booqday xafiiska guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleemaan Gaal), Kulanka ayaa la sheegay in looga wada hadlay arrimaha colaada Laascaanood iyo sidii xal looga gaadhi lahaa soo af-jarida xaaladdaasi.
Gudidan ayaa shalay ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Hargaya, waana ergadii hore utagtay magaalada Laascanood.
Dowlada Somaliland ayaa horay u diiday inay wafdigaas yimaadaan dalka la magacbaxay Somaliland iyada oo lagu eedeyay inay ku xadgudbeen sharafta dalka Somaliland. Sida MOL ay ku heshay warar lagu kalsoon yahay, beesha caalamka ayaa ku qasabtay in Somaliland ogolaato in wafdigaas tago Somaliland si ay kaalin uga qaataan mal u helida colaada ka oloosan Laascaanood.