Erdogan oo sheegay inuu wadahadal la geli doono Elon Musk kadib go’aankii kasoo baxay

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu wada-xaajood la geli doono milkiilaha cusub ee shirkadda Elon Musk, si uusan u bixin lacagta $8 ah ee lagu soo rogayo calaamadda bulugga ee xaqiijinta qofka.

Kadib markii uu twitter ku iibsada $44 bilyan oo dollar toddobaadkii tegay, Musk ayaa sheegay in shirkadda ay adeeggeeda Bulugga ku kireyn doonto $8 bil kasta, taasi oo ay qeyb ka tahay calaamadda bulugga ee raacsan magaca qofka.

Wareysi uu Arbacadii siiyey warbaahinta ee ATV ee Turkey ayuu Erdogan ku yiri inuu la hadli doono Musk, kalana xaajoon doono lacagtan.

“Waxaa macquul ah inay noo duwan tahay annaga,” ayuu yiri Erdogan mar wax laga weydiiyey lacagta lagu soo rogay calaamadda bulugga. “Waxaan la sameyn karnaa xoogaa diblomaasiyad ah,” ayuu Erdogan ku kaftamay.

Calaamadda bulugga ee ku xigta magaca qofka ayey twitter ku xaqiijisaa inuu yahay qofka saxda ah ama shirkadda leh. Twitter ayaan hadda wax lacag ah ku qaadin bixinta calaamaddaas.

In ka badan 80% dadka adeegsada twitter ayaa ra’yi ururin dhowaan la sameeyey ku sheegay inaysan lacag ku bixin doonin calamaddaas, halka 10% ay sheegeen inay diyaar u yihiin inay bishii ku bixiyaan $5.

Musk ayaa Talaadadii sheegay in dadka oggolaada inay lacag ku bixiyaan calamadda bulugta ah ay heli doonaan muhiimadda jawaabaha, ayna awoodi doonaan inay muuqaallo iyo codad dhaadheer soo dhigaan bartooda. Sidoo kalena ay arki doonaan kala bar xayeysiimaha ay hadda arkaan.

Wuxuu sidoo kale yiri “kuwa bixiya lacagta waxay si bilaash ah ku aqrisan doonaan website-yada lacagta lagu aqristo ee nala shaqeynaya.”