Waxaa 24 saac ee u danbeeysay ka socotay baraha bulshada tacsi iyo kacdoon shacab ay ku muujinayaan dareenkooda.
Shacabka oo aad uga xun dilkii Allaha u naxariisto marxuun Eng, Yarisow ayaa waxaa shacabka Soomaaliyeed ka sii xanaajiyay talaabooyinka istustuska iyo maaweelada ay ku dhaqaaqday dowlada Farmaajo.
Halkii ay waqti galin lahaayeen baartiaanka dilka Yarisow iyo ka tabataga dadkii ka danbeeyay dilkiisa ayaa waxa Farmaajo iyo Kheyre shacabka ku maaweelinayaan baroordiiq iyo tacsi qaran.
Sacdiyo Xassan oo ka mid ah dhalinta Soomaaliyeed ayaa barteeda twitter-ka soo dhigtay hadal aad u xanuun badan oo ay kula hadashay dowlada Fedaraalka iyada oo sheegtay in Eng. Yarisow u baahan yahay cadaalad ee uusan u baahaneen baroordiiq.
Wax ay tiri:
Can you tweet this: Duqa magaalada Muqdisho umabaahna aas qaran iyo baroor diiq, Wuxuu ubaahanyahay jawaab qaran. #isbadal dhab ah.
The mayor of #Mogadishu does not need a state funereal & committee, he needs state answers.#Accountability!
Qofka aad jeceshahay ama aad ka xuntahay dhibka gaaray waa in aad u raadisaa cadaalad oo aad soo xirtaa dadka lagu tuhmayo dilkiisa.
Ilaa iyo hadda ma jirto dad loo xiray dilka eng Yarisow nana muuuqata in ay jiraan dad xil iska saaray