Gudoomiyaha Gobolka oo wareeysi siiyay Taleefishin ka mida taleefishinada dalka ayaa ku goodiyay in Sanator Muuse Suudi la soo xiri doono xoogna looga saari doono dhulka uu degan yahay hadii uusan fulin amarka ka soo baxay Duqa Magaalada Muqdisho.
Yarisow oo ku hadlaya magaca Farmaajo iyo Kheyre ayaa sidoo kale sheegay in uusan marnaba ogaalaan dooonin in qof dagaal ooge ah, kaas oo ula jeedo Xaaji Muuse Yalaxow in aan marka kale fursad loo siinaynin in uu Muqdisho ku celiyo 1990’s kii.
Hadalka Yarisow ayaa u muuqday mid uu ku iclaamiyay dagaal ka dhan ah Muuse Suudi Yalaxow. Yarisow oo wareeysigiisu dheera ayaa dhanka kale carabka ku dhuftay in Xassan Shiikh iyo Shiikh Sharif ay qayb ka yihiin siyaasadeeynta Amniga Magaalada Muqdisho.
Hadalka Yarisow oo ay caro ka muuqatay ayaa wax uu ahaa mid looga soo dhiibay Villa Soomaaliya, hordhacna u ah dagaal lagu qaadi doono guriga Xaaji Muse Suudi Yalaxow.
Halkaan ka dhaqeyso qayb ka mida wareeysiga Yarisow: