Eng. Yarisow oo dalka Belgium uga dhuuntay Gud. ku xigeenka Gobolka, Basma. Sabab?

Reading Time: < 1 minute

Waxaa magaalada Brussels ee dalka Belgium ku xayiran Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banadir Basma Cumar Shakeeti. Gudommiye Basra ayaa waxaa laga xaday Baasaboorkeedii waxaa sidoo kale lagu haystaa lacagatii Hotelka ay ku deganayd oo ahayd in uu bixiyo Eng Yarisow.

Gudoomiye Yarisow ayaa isaga oo og in lacagtii hotelka lagu leeyahay gabadha uga dhaqaaqay magaalada Brussels. Sidoo kale waxaa MOL la soo gaarsiiyay in Eng Yarisow uu mas’uul ka ahaa in baasboorka laga xado gabadha isaga oo sheegay iy ay rabto in ay iska dhiibto dalka Belgium, Eng. Yarisow ayaa sheegay in hadii ayan baasaboorka  haysanin ayan iska dhiibi karin dalka Belgium. Dhanka kale safiirka Soomaaliya u fadhiya Midow Yurub Cali Faqi ayaa hadda ku mashquulsan sidii in uu lacagta uga  bixin lahaa gabadha. Waxaa nasiib xumo ah in Eng Yarisow ku eedeeyo, meelna uga dhaco karamada Gudoomiye Basma  isaga oo aan haynin wax cadayn ah.