Eng Yariisow oo u Muuqda Mid Ku Socda Wadadii Xilka Looga Qaadi Laha Isago Sameynaya Bood Boodki Xilka Loga Qaaday Thaapit Cabdi

Reading Time: < 1 minute

Duqa Muqdisho ENG yariisow aya wado dadaalo xoogan oo uu kaga soo muqanayo shaashadaha iyado tira dhawr jeer ahna sameeyay dhacdooyin dhibaato xoogan u keni kareysa Kursigiisa.

Eng Yariisow aya maraya wadooyinki xilka loga qaaday Maamulki Ka Horeeyay isaga ee Thaapit Cabdi kaasi oo bood boodkiisa uu batay ee sababtay in xilka laga qaado.

Duqa Muqdisho aya hada wada bood bood la mid ah kii taapit cabdi waxana uu sameyay dhaqdhaqaaqyo ka careysinaya Maamulka Sare ee Madaxtoyada Soomaaliya.

Waxyaabaha Bood boodkisa Ka mid ah duqa Muqdissho in uu Xildhibaanada faray in ay dagan Jidadka ka danbeya Wadada 30-ka oo inta badan la aminsan yahay in ay tahay meel ay ku xoogan yihin al shabaabka Dilalka geysta ayna ka arimiyaan kooxdaasi.

Sido kale waxa ka mid ah in uu ku dhawaaqay in maqaamka Muqdisho uu yahay mid laga maarmaan ah oo meel cad la iska so istaajiyo iyado uu shegay in Shacabka Muqdisho ay u bahan yihin cid ku matasha Aqalka Sare ee dalka.

Muqdisho Online aya aragta in Bood boodka nuucaasi ah oo Xilka loga qaaday Gudoomiyihii Hore Muqdisho Taapit Cabdi,inkasto xilkasi lo dhibtay oo uu yahay mid la kensaday Xarunta Dowlada Hoose ee Xamar hadana waxa muuqata in Xilka laga qaadi doono madama ay dhacdoyinkasi ay dhibaato u arkan maamulka sare ee Madaxtooyada Soomaaliya.