Eng Yariisow oo Kulan Isugu Yeeray Gudomiyeyaasha Degmoyinka&Liis Madaxtoyada Kaga Yimid oo uu Heysto

Reading Time: < 1 minute

Gudoomiyaha cusub ee gobolka banaadir Cabdirahmaan Cumar Cusmaan Eng Yariisow aya lagu wada manta in uu kulan la qaato gudomiyaysha gobolka banaadir.

Kulankan oo la shegay in uu yahay isbarasho aya la shegaya in qaar ka mid ah gudoomiyayaasha loo shegi doono in xilka laga qaadi doono.
Cabsi xoogan aya la shegaya in ay soo food saartay Gudomiyeyasha gobolka banadir iyago ka cabsi qaba in xil ka qaadistooda ay halkaasi kuso arkaan.

Maamulka Cusub ee Muqdisho oo horay uga mid aha wasiiradi kheyre aya la ogson yahay in uu yahay nin xilka loo dhiibtay loona soo gudbin doono cida xilka laga qaadayo.

Agaasimaha madaxtooyada Fahad Yaasin iyo Raisul Wasaare Kheyre aya la shegaya in Maamulka Cusub ee Muqdisho ay ugudbiyeen magacyada shaqsiyaad la wata yaal ah oo la filaayo in ay kaso dhex muuqdaan gudoomiyayasha la filaayo in loo magacaabo Gobolkan Banaadir.