ENG Yariisow oo Bilaabay Ruwaayadi Xishood Laay,Qiilna u Yeelaya Fadeexadii Manta Da’yarta Lagula Kacay

Reading Time: < 1 minute

Waxa inta badan dhacda ruwaayad ay sameeyaan Maamulka Dowlada xiliyad ay ku fashilmaan wax qabadka shacabka ay ka filaayeen.

Duqa Muqdisho aya isku dayaya in uu qiil u sameeyo arinta manta ay Dowlada kula kacday dhalinyaradan iyado ay Dowlada ku fashilan tay wax uqabashada iyo qaabka lola dhaqmay Dhalinyaradaasi.

Waxa wax laga Xumaado ah in Dhalinyaradaasi Xitaa ay Dowlada u weyso Hal Bas oo lagu geeyo Xaafadahooda,iyado Raii’sul Wasaarihii Dhamaa iyo Xukuumadiisa Ay ka hor dhacdadaasi ay isku so sawireyn iyago ku sugan Garoonka Aden Cade.

Duqa Muqdisho oo isku dayaya in uu qiil u sameeyo Fadeexda Maanta aya facebook kuso qoray:

“Aad baan uga xumahay in cayaartoydii ay Bajaaj raacaan waana baareynaa sababta. Gobolka waxuu diyaariyey busses iyo shacab soo dhoweeya kuna hubsanay Hotel Saxafi ka dibna ciddii u fasaxday waa in Dowladda Federaalka ay baartaa”

Waa Ruwaayada Dowlada aysan ka xishoon iyado ay mar waliba sheegaan ama ku marmarsiyodan in Arintaasi oo kale marka ay dhacaan