Eng Cameey”Puntland dhaqaale kama helin reerkeeyga ayaa iga bixinaayo lacagta doorashada”

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar oo Maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa ka hadlay waxyaabo ku aadan eedeyn maalmihii lasoo dhaafay kaga imaaneysay Madaxweyne Gaas ee ku aadaneyd in uu xiriir lala leeyahay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Camey waxaa uu sheegay in Madaxda Puntland ay doonayaan in ay Shacabka ka gadaan in uu taageersan dowladda dhexe uuna Puntland kasoo horjeedda, waxaana sheegay in sababtii Puntland loo Aasay ay aheyd in ay taageerto dowladda dhexe.

Camey ayaa sheegay in markii uu taageeradda u fidiyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre in uu kaliyah yaqaanay  Magacyadooda ,laakiin uusan jirin xiriir ka dhaxeeyay oo ku aadana wada shaqeyn Hoose.

Camey ayaa dafiray in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay siiso dhaqaalle si uu kaga horjeeddo Madaxweyne Gaas markii la aasaasayay Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda.

Ugu dambeyntii Camey ayaa mar labaad ku dhawaaqay in uu yahay Musharax u taagan Xilka Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Sideeda Bisha soo socota ayaa lagu waddaa in Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ay ka dhacdo doorashadda Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa