Shalay ayaa waxaa kooxo hubaysan ay Magaalada Muqdisho ku dileen Sargaal ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka waxaana Dilkaa Sargaalkaa ka soo baxaya warar kala duwan.
Ehelada Sargaalka la dilay ayaa waxa ay dalbadeen in ay Dowlada Soomaalia soo qabato shaqsiyaadkii Dilkaa ka dambeeyay si cadaalada loo waafajiyo.
Sargaalkaa ayaa waxaa Shalay kooxo hubaysan ay ku dileen Degamada Dayniile ee Gobolka Banaadir waxaana dilka ka dib goobta isga baxsaday Kooxihii Dilkaa gaystay ilaa iyo hada macada cida dishay Sargaalkaa waloow inta badan Dilalka Muqdisho ka dhacay ay Al-shabaab ka dambeeyaan.