Ehelada Askari Ka Tirsan Dowlada oo Xalay Si Bareer Ah u Tookteyn Ciidanka Amisom oo Dowlada ka Dalbaday in Cadaalad

Reading Time: < 1 minute

Iyado xalay kolonyo ka tirsan ciidanka nabad ilaalinta u jooga soomaaliya ay si bareer ah u tookteyn askari ka tirsana ciidanmada dowlada soomaaliya aya Waxaa maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ehelada askariga ka tirsana ciidamada NISA ee dowladda Soomaaliya oo xalay ay toogteeyn ciidamada AMISOM ee Midowga Afrika.

Cumar Geedi Xasan oo u hadlay Qoyska askariga la dilay ayaa sheegay in AMISOM ay si bareer ah u dishay askariga oo gudanayey waajibaadkiisa Qaran, iyadoo si awood ah u maray koontaroolka Garoonka diyaaradaha Muqdisho ee u dhow Isgoyska KM 4, halkaasoo iska hor imaad ku dhex maray ciidamadii ilaalada iyo kolonyo AMISOM ka tirsan.

Ciidamada AMISOM ayaa goobta ku dilay Axmed Xuseen Cabdi (Macalin Aadan) oo ka tirsanaa ciidamada NISA, waxaana sidoo kale goobta ku dhinay dad shacab ah oo meydadkooda la geeyay xarunta CID-da.
Cumar Geedi wuxuu dowladda Soomaaliya ka dalbaday in AMISOM lagula xisaabtamo kiiska dilka ah, isla markaana askartii ka dambeysay dilka walaalkiis sharciga la horkeeno.