Eedeysane lagu eedeeyay kufsi iyo afduub oo maanta xukuntay Maxkamada Galagduud

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imanaya Gobolka Galgadud ayaa sheegaya in Maxkamadda Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayMaanta xukun ku riday Eedeysane loo heyso inuu Kufsi iyo afduub degaan ka tirsan Galagduud ugu geystay Gabar yar oo kamid ah dadka deegaanka.

Dhanka kale, eedeysanaha oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Dhoore ayaa qirtay inuu 19-kii bishaan Ogoosto 2021 fal isugu jiray kufsi iyo afduub deegaanka Godinlabe ugu geystay Farxaiyo Cali Maxamed oo ah gabar 6-sanno jir. Xeer ilaaliye ku-xigeenka Galmudug Cabdixakiin Maxamed Xirsi ayaa fadhiga Maxkamadda kusoo bandhigay caddeeyo muujinaya kufsiga uu geystay Maxamed oo ay kamid yihiin sida uu falka u dhacay iyo dhaawaca gaaray gabadha.

Ugu danbeyntii, Axmed Salaad kullane Garsooraha Maxkamadda Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay in Eedeysane Maxamed Cabdi Dhoore lagu xukumay 5-sanno oo xabsi ah iyo bixinta laba halaad oo Geel ah.