Eedeysanayaal Ajaaniib ah oo dacwad lagu soo oogay, loona gudbiyay Maxkamadda

Reading Time: < 1 minute

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa maanta Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay  36 eedeysane oo ajaanib ah, kuwaa oo lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen ciidamada badda Soomaaliya.

Ajaaniibtan maanta dacwadaha loo heesto loo gudbiyay maxkamadda gobolka Banaadir ayaa ku eedeysan in ay ku guda jireen kalluumeysi sharci darro ah,maxkamadda gobolka ayaana codsaday in lasoo muddeeyo dhageysiga dacwadoodda.

Xafiiska Xeer ilaalinta Qaran ayaana digniin adag u dirtay ganacsatada iyo shirkadaha ka raadinaya faa’iidada kaluumeesiga sharci darada ah ay ajaaniibta ku hayaan kheyraadka dhax ceegaaga biyaha Soomaaliya.