Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa maanta 15 sano oo xabsi ciidan ah ku ridday, Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale oo ku eedaysan kamid ahaanshaha Al-shabaab iyo Daacish.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ku soo eedeyay Eedeysanaha in uu isku xawilay lacag dhan 400 oo kun dollar ka mareykan intii u dhexeysay 2019 -2020. Sidoo kale, waxay ku Eedeeyeen Xafiiska in uu ahaa nin awood ku leh kooxda Daacish oo gaarsiisnaa in uu la macaamilo ku xigeenka koowaad ee kooxda Bilaal Suudaani ahna u qaabilsanahay qaybta faafinta Wararka kooxda
Dhamme Ismaaciil Saalaad Maxamed ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegay Maxkamadda in eedeysanah uu xitta u isticmaali jiray warbaahinta gaarka ah lacag si’ ay u faafiyeen wararka kooxda Daacish. Ugu dambayntii, Maxkamadda ayaa ku xukuntay 15 sanoo xabsi ciidan, isagoo fursad loo siiyay 30 cisho ah oo Rafcaan qaadasho ah.