Edna Adan oo ku faantay jiritaanka qadiyada Irir-Samaale, Somaliland-na qayb ka tahay

Reading Time: < 1 minute

Edna Aadan oo ay dowlada Somaliland u magacaawday ergiga raadinta aqoonsiga Somaliland oo xalay afur u sameeysay koox isku sheegtay inay wakiil ka yihiin qabiilka Irir-Samaale oo uu hogaaminayo Suldaan Hooley, ayaa ka hadashay jiritaanka qabiilka Irir-Samaale.

Edna ayaa sheegtay in qadiyaan ay soo wadeen siyaasiyiin uu ku jito ninkeedii ALahha u naxariisto Maxamed Haji Ibrahim Cigal. Waxa ayna sheegtay inay aad u faraxasan tahay qayb ka ahaanshaha Irir-Samaale isla markaana ay soo soo dhaweynayso wafidga wakiilka beelaha Irir-Samaale ee safar ku yimid Somaliland.

Waxa yaab ah in Edna Aadan oo ku hadleysa magaca Somaliland ay cadeeyso in Somaliland ay leeyihiin beelo qaasa oo ku abtirsada beelaha Irir-Samaale, taas oo meesha ka saareysa in beelaha dega SSC ayan iyagu qayb ka ahayn Somaliland.

Hadalada ka soo yeeraya hogaanka Somaliland ayaa meesha ka saaraya rajadii ahayd in reer Laascaanood ay markale ku biraan dowlada sheeganaynsa in ay leeyihiin beelo gaar ah.

Somaliland oo dhibaatooyin dhaqaale, Siyaasadeed oo adag soo wajaheen ayaan waxa ay keentay inay raadiyaan si kastaa oo ay xawalada uga bixi lahayeen.