Duulimaadka diyaaradaha tooska ee Kenya iyo Soomaaliya oo maanta dib u bilaawaday

Reading Time: < 1 minute

Kaddib mudo ah bil ah oo ay hakad ku jireen duulimaadyadii tooska ugu kala gooshi jiray dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa maanta oo Axad ah dib u bilowday safarada dhanka cirka ee magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho.

talabadaan ayaa ka dambaysay kaddib markii 10-kii bishan ay dowladda Kenya shaacisay inay qaaday xayiraaddii ay bishii May kusoo rogtay duulimaadyadii diyaaradaha ee Soomaaliya. Talaabadan ayaa waxaa ku farxay ganacsatada Soomaalida ee diyaaradaha ee Nairobi oo sheegay in muddadii ay xayiraaddu jirtay uu ganacsigoodu soo wajahay khasaare weyn iyo hoos u dhac.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa in muddo ah waxaa xumaa xirirkooda kadib markii dowladda Soomaaliya ay Kenya ku eedeysay iney faragelin toos ah ku wado arrimeheeda gudaha.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!