Duubabka Muqdisho Oo Madaxweyne Sheekh Shariif Hoygiisa Ku Booqday Sheegeyna Iney Ka Xunyihiin Is Hortaaga Farmaajo

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Maanta hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho waxaa ku booqday Duubabka Muqdisho.

Kulan dhexmaray Sheekh Shariif iyo Duubabka Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay xayiraadii shalay dowladda Soomaaliya saartay Shariif iyo wafdi la socday oo ku wajahnaa Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland.

Imaam Maxamed Yuusuf Cali Imaam iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa Madaxweyne Shariif u sheegay inay ka xun yihiin is hortaaggi lagu sameeyey wafdigi uu hogaaminayay ee ku sii jeeday magaalada Kismaayo.

“Waxaa igu soo booqdey hoyga aan ka deganahay Muqdisho duubabka dhaqanka Muqdisho oo ay hogaaminayeen Imaam Maxamed Yuusuf Cali Imaam, iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyaga oo noo muujiyey sida ay uga xunyihiin xadgudubkii dowladdu ay ku sameeysey wafdigii xisbiga Himilo Qaran ee Kismaayo ku socdey. Dhaqanku markasta door muhiim ah ayay ku leeyihiin dalkaan oo dib u yagleelidda dowladnimadiisa dhibaata badan laga soo maray”ayuu yiri Sheekh Shariif.

Si kastaba dowladda Soomaaliya ayaa shalay Hogaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran u sameeyay xayiraad,isla markaana ka joojisay safar uu ku aadi lahaa Kismaayo,halkaas uu doonayay inuu uga qeybo Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha dowlad Goboleedlka Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo dhawaan dib loo soo doortay.