Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya inay weli duqeyn cirka ah ku socoto degaanka Masaajid Cali-Gaduud iyo agagaarkiisa oo ay weli ku sugan yihiin maleeshiyada Alshabaab.
Maalmihii ugu danbeeyay ayaa dagaalku ku koobnaa duqeyn ay fulinayaan diyaaradaha Drone-ka ee Turkiga, kadib markii ay dib uga baxeen ciidamada dowladda saacado kooban kala wareegay Alshabaab Sabtidii, balse ay dagaal rogaal celis ah oo culus kusoo qaadeen.
Afhayeenka madaxtooyda Hirshabelle ayaa sheegay in Maleeshiyada Al Shabaab ee ku sugan degaanka Masaajid Cali Gaduud la isku dayeyo in laga saaro, iyadoo aanay qasaare weyn gaarin dadka iyo magaalada, sida uu yiri.
Wuxuu intaas ku daray in Alshabaab Godad waaweyn ka qoteen Magaalada, ayna saaran yihin dhismooyin ay ka mid tahay xaruntii Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, taasoo keenay inaan hubka waaweyn loo adeegsan si loo burburiyo dhismooyinkaasi.
Weerarka Diyaaradaha Drone-ka ah ka wadaan agagaarka Masaajid Cali-Gaduud ay dowladda Federaalka sheegtay in lagu dilay maleeshiyo ku dhow 100 Alshabaab ah, laguna gubay Gaadiid ay sahay u saarneyd, iyadoo qasaare weyn lagu gaarsiiyey.
Ahmiyadda degaankan u leeyahay Alshabaab ayaa keentay inay awood saaraan, isla markaana isugu keenaan ciidamo fara badan, iyadoo maleeshiyada beesha degaanka ee raacsan Alshabaab ay qeyb ka yihiin dagaalka.
Diyaaradaha dagaalka Turkiga ayaa habeenkii saddexaad duqeymo culus ku garaacaya fariisamaha Al Shabaab ku leeyihiin deegaanka Masaajid Cali Gaduud iyo deegaano kale oo duleedka ka ah.
Dagaalka ciidamada dowladda ku doonayaan inay ku qabsadaan degaanka Masaajid Cali-Gaduud ayaa bilowday Sabtidii 22-ka Oktoobar, waxaana maalintii afraad maanta weli socda duqeynta cirka, halka ciidamada dhulka weli dul hoganayaan degaanka oo ay ku sugan yihiin meel 7 KM u jirta.