Duqeyn lagu dilay Hoggaamiyeyaal sare oo ka tirsan xagjirka Al Shabaab

Reading Time: < 1 minute

Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika [AFRICOM] ayaa shaaciyey in uu Khamiistii todobaadkan ka fuliyey degaanka Saaxa Weyn, gobolka Baay ee koonfur Galbeed Soomaaliya uu ku dilay “hogaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab”.

Sida laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay taliska AFRICOM oo nuqul kamid ah aan helnay, ayaa lagu sheegay in shan ka mid ah horjoogeyaasha Shabab lagu khaarijiyey howlgalkaas dhanka cirka.

“Qiimeynta talisku sameeyay illaa haatan waxay muujineysaa in aysan jirin rayid wax ku noqdey howlgalka,” ayaa la raaciyey warka qoraalka.

Bayaanka ayaan lagu soo bandhigin magacyadda iyo xilalka ay hayeen maleyshiyaadka. Balse, warar aan wali la xaqiijin aya xusaya in horjoogeyaasha kamid yihiin wakiiladii xoogaga ee degaankaas.

Idaacadda ku hadasha afka ciidamada Soomaaliya ayaa warisay in howlgal ka dhacay magaaladda Diinsoor ee gobolka Baay lagu dilay madaxii Al-Shabaab ee gobolkaas “oo lagu magacaabo Muqtaar Nuuroow oo magaciisa afgarashada yahay Sayid Cali”.

Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, taliyaha guud ee milatariga Soomaaliya oo Idaacadda soo xigatay, ayaa sheegay in sideed maleeyshiyo oo horjoogaha ku jiro “la dilay markii ay isku dayeen in ag weeraraan ciidanka”.

Marka laga soo tago sheegashadda labada dhinac, ma jiro war ku saabsan howlgalkan oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab.

Degaanada Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ay sidda weyn ugu dhuumaaleystaan “Amiirada” Al-Shabaab qaarkoo kuwaas oo bilooyinkii lasoo dhaafey wajahayey culeysyo milatari oo dowladda iyo saaxiibadda caalamiga ah sidda Mareykanka kaga yimid”.