Duqeyn lagu beegsano xubno sare oo ka tirsan Ururka Al Shabaab oo ka dhacday Gobolka Mudug

Reading Time: < 1 minute

sida aan wararka ku heleyno degaanka Maamiye oo u dhaxeeya Camaara iyo Caad ee degmada Xarardheere gobolka Mudug ayaa sheegaya in Markale xalay diyaarad dagaal ay halkaasi duqeyn geysatay.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in markale diyaarad dagaal ay dhowr Madfac ay ku dhufatay saldhig ay leeyihiin Ururka Al-Shabaab oo ku yaalla degaankaasi.

Waxaa duqeyntaasi  ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jiro walloow weli aan la xaqiijin tirada rasmiga ah ee ku waxyeeloowday, maadama ay weli deegaankaasi duqeynta ka socoto.

19 Bishaan ayay aheyd markii diyaarado dagaal ay duqeymo xooggan ay la beegsadeen degaanada xalay la duqeeyay, waxaana taliska Mareykanka uu sheegay in duqeyntaasi lagu dilay in ka badan 40 dagaallame.

Dhawaanahaan waxaa soo kordhaayay duqeymaha diyaaradaha ay ka geystaan degaanada ay gacanta ku haayaan Shabaab iyadoo dhawaan dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in duqeyn lagu burburiyay Idaacad afka shabaab ku hadli jirtey.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!