Duqeyn lagu beegsaday Shabab oo ka dhacday Masjid Cali-Gaduud

Reading Time: < 1 minute

Wararkii ugu danbeeyay ee laha helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya Degaanka Masaajid Cal-gaduud ayaa sheegaya in xaaladda ay kacsan tahay iyadoo maalintii labaad laga cabsi qabo inuu dagaalku ka qarxo.

Xalay ayaa duqeyn lagu qaaday fariisamaha Alshabaab ee gudaha Degaanka, kadib markii Diyaaradaha Drone-ka ee ciidamada Mareykanka ay beegsadeen Guri ku yaalla Degaanka Masjid Cali-gaduud, kaasoo warar kala duwan kasoo baxeen.

Afhayeenka madaxtooyada Hirshabeelle Daa’uud Cirro ayaa sheegay in Alshabaab ay Godad waaweyn ka qoteen gudaha qeybo ka mida degaanka Masaajid Cali-gaduud, isagoo qirtay inay Alshabaab weli ku sugan yihiin ugu yaraan qeyb ka degaanka, kadib dagaalkii shalay dhacay.

Dagaalkii shalay oo socday in ka badan 6 saacadood ayaa dhaliyay qasaare badan, waxayna ciidamada dowladda guulo ka sheegteen dagaalkii shalay, halka Alshabaab ay dhinacooda sheegteen inay dileen askar ka badan 20, ayna gubeen gaadiid ay leeyihiin saarkiishii hoggaamineysay ciidamada dowladda.

Waxaa magaalada Muqdisho xalay lasoo gaarsiiyey dhaawacyada askartii ka dagaalamay Masaajid Cali-Gaduud, waxaana Isbitaallada ku booqday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Xaaladda Masaajid Cali-Gaduud ayaa weli kacsan, waxaana muuqata inaan lagu kala bixin dagaalkii shalay, weliba ay socoto duqeynta cirka ah.