Duqeyn ka dhacday Gobolka Mudug

Reading Time: < 1 minute

wararka ay warbaahinta ka heleyso degaanka Goodirley oo 10km koonfur kaga beegan degaanka  Caad oo hoos yimaada degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa sheegayaan in Markale xalay diyaarad dagaal ay halkaasi duqeyn geysatay.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in markale diyaarad dagaal ay dhowr Madfac ay ku dhufatay saldhig ay leeyihiin Ururka Al-Shabaab oo ku yaalla degaankaasi.

Waxaa duqeyntaasi  ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jiro walloow weli aan la xaqiijin tirada rasmiga ah ee ku waxyeelowday.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in duqeyntaan  lala beegsaday saraakiil ka tirsan Alshabaab.

Duqeynta ayaa dhacday xalay fiidkii, waxaana Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Mudug ayaa xaqiijiyeen in goobta la duqeeyay ay maamulaan Shabaab.

19 Bishaan ayay aheyd markii diyaarado dagaal ay duqeymo xooggan ay la beegsadeen degaanada xalay la duqeeyay, waxaana taliska Mareykanka uu sheegay in duqeyntaasi lagu dilay in ka badan 40 dagaallame.

Dhawaanahaan waxaa soo kordhaayay duqeymaha diyaaradaha ay ka geystaan degaanada ay gacanta ku haayaan Shabaab iyadoo dhawaan dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in duqeyn lagu burburiyay Idaacad afka shabaab ku hadli jirtey.